Kooxo badan oo doon doonaya saxiixa Andre Schurrle

Liverpool iyo Tottenham Hotsbur ayaa ku wada dagaalamaya saxiixa Andre Schurrle oo garbaha iyo weerarka u dheela kooxda reer Jarmal ee Wolfsburg.

Sida ay baahisay Jariiradda Kicker ee kasoo baxda Jarmalka,Jurgen Klopp ayaa hoggaaminaya saxiixa xiddigii hore ee Chelsea, xilli ay Tottenham-na diyaar la tahay dalab ka qaalisan midka ay wadato kooxda Anfield.

Si waliba, Andre Schurrle ayaa xiriir wanaagsan la leh macallin Klopp oo ay kasoo wada-jeedaan dalka Jarmalka, waana sababta ay Reds ugu dhowaan karto heshiiskiisa.

Wolfsburg ayaa ku fikireyso inay Premier league-ga ku celiso xiddigan oo ay ku dhaliisho inuu dhaawacyo badan yahay, laakiin kooxaha doonaya ayaa iyagana si kale u qiimeeynaya awoodda cayaareed ee Schurrle.