Toure oo laga saaray kulanka Champions League ee Real Madrid ay la cayaarayaan

Manuel Pellegrini ayaa xaqiijiyay in Manchester City uu ka maqnaan doono Yaya Toure lugta hore ee kulanka semi-finalka Champions League ay wajahayaan Real Madrid.

Toure ayaa dhaawac muruqa ah uu soo gaaray intii lagu jiray kulankii sabtida ay 4-0 Premier League kaga badisay kooxdiisa Stoke City ,

ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa seegay tababarkii manta kooxdiisa sameysay  tasoo dhabar jab kale oo hor leh ah.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa ka horeeyay-kulankaan, Pellegrini ayaa qiray in kulanka talaadada uu seegi doono Toure

“Yaya Waxa uu qabaa dhaawac muruqa ah,” ayuu yiri Pellegrini.