AMISOM “ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankeena”

Iyadoo kooxda Daacish ay sheegtay in ay qarax la beegsadeen ciidanka AMISOM ayaa Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet waxa uu sheegay inuu jiray isku day weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13 balse uu qaraxu dhacay kadib markii ay gudubtay kolonyada ciidamada AMISOM, islamarkaana aan wax khasaare ah soo gaadhin gaadiidka iyo askarta AMISOM.

Afhayeenka AMISOM wax uu sheegay inay arkeen sheegashada ISIS balse ay aaminsan yihiin in sheegashadu been tahay.

ISIS sheegashadeeda faah faahin dheeraad ah kama bixin, mana aysan sheegin xitaa goorta uu dhacay weerarka.

Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhowaaqeen inay ku biireen ururka ISIS.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in dagaal milatari ku qaadeen xubno sheegay in ay ku biireen ISIS.