Kooxda Daacish ayaa sheegtay in weerar ay la beegsadeen kolonyo baabuur oo ciidanka AMISOM ay wateen kuwaas oo marayey agagaarka KM-13.
Sheegashadan ayaa haddaba noqonaysa middii ugu horeysay ee ay sheegtaan ururka ISIS inay weerar ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa sheegay inuu jiray isku day weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13 balse uu qaraxu dhacay kadib markii ay gudubtay kolonyada ciidamada AMISOM, islamarkaana aan wax khasaare ah soo gaadhin gaadiidka iyo askarta AMISOM.
ISIS sheegashadeeda faah faahin dheeraad ah kama bixin, mana aysan sheegin xitaa goorta uu dhacay weerarka.
Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhowaaqeen inay ku biireen ururka ISIS.


