Kooxda Barcelona oo iska iibineysa Neymar

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay iibiso Neymar xagaagan sabab la xiriirta xidigan oo aan ogoleyn heshiis waqti dheer ah inuu un saxiixo kooxda.

Kooxda reer Spain ayaa dooneysay inay ceshato xiddiga reer Brazil, kasoo £ 144 milyan lagu burburin karo qandaraaskiisa garoonka Camp Nou.

Laakiin Neymar ayaa doonaya in loo kordhiyo mushaarka £ 77,000-ah ee isbuuciiba ka qaato kooxda, iyadoo Manchester United durbaba ay shaacisay in u gacanta gelineyso £ 300,000-isbuuciiba haddii uu usoo dhaqaaqo Old Trafford.