Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa hal saac ku daray waqtiga uu furmayo kulanka maanta, maadaama weli uusan buuxsamin kooramka.
54 xildhibaan ayaa ku yimid waqtiga loogu tala galay ee ah 10:00 barqanimo.
Kulanka baarlamaanka ayaa ah Mid xiiso badan oo maanta looga hadlaayo Ammaanka dalka, waxaana loo yeeray Hay’addaha qaabilsan dhanka Ammaanka.



