Koonfur Galbeed oo sheegtay dagaalyahano Shabaab inay qabteen

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dagaalyahano Shabaab oo nool, kuwaasi oo lagu qabtay deganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay Shan nin oo dagaalyahano Shabaab iyo mootooyin ay isticmaalayeen inay qabteen ciidanka.

Kadib hawlgal ay ka sameeyeen degaanka Manaas oo qiyaastii 45-KM u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa wuxuu sheegay ciidamada inay soo qabteen raggaan.

Nuuradiin Abuukar Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono shantaasi ruux ee ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.

Xoogaga Shabaab ayaa shalay saacado waxa ay gacanta ku hayeen degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay, kadib markii Ciidamada ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.