Koofur Galbeed oo sheegtay in ay dishay sarkaal ka tirsan Shabaab

Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sarkaa  ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan uruka Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Maxamed Isaaq oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay  dileen sarkaal sare oo ka tirsan ammniyaadka Al-shabaab kasoo uu sheegay in uu ahaa mid muhiim ah.

Dhanka kale majiro wax war oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan sheegasha koofur galbeed ee ah in ay dileen sarkaal ka tirsan Shabaab.