Shabaab”Kenya waxay ku tuugsataa in ay heyso qaxooti farabadan”

Iyadoo dhawaan dowladda Kenya ay shaacisay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ayaa arintaas waxaa markii ugu horeysay ka hadlay ururka Al-shabaab.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in kenya ay dhibaato ku heyso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Shabaab  ayaa sheegay  in dowladda Kenya dhaqaalo badan uu kasoo galo qaxootiga kujira xeryaha Dhadhaab,Xagardheer, Kaakuma  iyo deeganada kale ee dadka soomaalida ay kunool yihiin isagoo sheegay iney ku tuugsadaan inay hayaan qaxooti farabadan.

Al-shabaab ayaa ugu baaqay qaxootiga ku jira xeryaha dalka Kenya  in ay iska soo baxaan,ayna dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in sababta ay u xirayso xeryaha qaxootiga in ay tahay amni daro kasoo wajahday ururka Al-Shabaab.