Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay joojinta degdegga ah ee dhammaan duullimaadyada ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka imaanaya ama ka baxaya garoomada diyaaradaha iyo goobaha duulimaadyada ee deegaanadooda.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo ku taariikhaysan 18-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan galay isla maalintaas, islamarkaana uu sii jiri doono “illaa amar dambe.” Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona sugo nidaamka howlaha duulimaadyada ee xaaladda cakiran ee jirta.
Go’aanka ayaa ka reebaya oo keliya duullimaadyada ay maamulaan Qaramada Midoobay (UN) iyo AUSSOM, kuwaas oo loo oggolaaday inay sii wadaan howlaha bani’aadannimo, caafimaad iyo kuwa rasmiga ah.
Si kastaba, diyaaradahaas ayaa lagu xaddiday inay qaadaan oo keliya shaqaale iyo xamuul, waxaana si cad loo faray in aysan qaadi karin siyaasiyiin ama cid kale oo aan haysan oggolaansho rasmi ah.
Wasaaraddu waxay sidoo kale uga digtay shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada inay si buuxda u ixtiraamaan amarkan, iyadoo sheegtay in cid kasta oo jebisa ay wajihi doonto tallaabooyin sharci ah iyo ciqaabo ka iman kara maamulka.
Sidoo kale, dhammaan shirkadaha iyo operators-ka ayaa lagu amray inay joojiyaan duullimaadyada qorshaysan iyo kuwa aan qorshaysnayn, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ay khuseyso si dib loogu habeeyo safarrada rakaabka iyo xamuulka.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo tallaabadan ay saameyn weyn ku yeelan karto isu socodka dadka, ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira deegaannada maamulkaas.



