Mucaaradka oo shaaciyay labo qodob ee weli la isku hayo wadahadallada siyaasadeed ka socda Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (SFC), ayaa sheegay in Soomaaliya mar kale taagan tahay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo go’aamin doonta jihada doorashooyinka, nidaamka dastuuriga ah, xasilloonida siyaasadeed iyo mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

Qoraal dheer oo uu baahiyay ayuu ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay dib u bilaabeen wadahadalladii siyaasadeed, kuwaas oo ay fududeynayaan dalalka QUAD (Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay) iyo dowladda Turkiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in muddo ka badan labaatan sano uu ka qeybgalay shantii isbeddel siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isla markaana uu arkay in hoggaamiyeyaashu is beddelaan, balse khilaafaadka la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo muddo-xileedyada ay mar walba soo noqnoqdaan.

Wuxuu xusay in qalalaasihii doorashooyinka ee sanadkii 2021 uu ka dhashay khilaaf siyaasadeed iyo muddo-kordhin, taasoo ugu dambeyn isku beddeshay iska horimaad hubeysan. Sida uu sheegay, dhacdooyinkii dhacay horraantii bishii Juun ee sanadkan waxay muujinayaan in khilaafaadka aan xal loo helin ay mar kale halis gelin karaan amniga dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu wadahadallada uga qeybgalay si looga hortago isku dhac cusub, isagoo carrabka ku adkeeyay in xal siyaasadeed lagu gaari karo khilaafaadka jira.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Golaha Mustaqbalka uu aqbalay in dalka ay ka dhacaan doorasho toos ah mustaqbalka, isla markaana uu oggolaaday in nidaamka awood-qaybsiga 4.5 uu sii ahaado xal ku-meel-gaar ah inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo dhameystiran.

Sida uu sheegay, laba arrimood oo keliya ayaa weli la isku hayo. Midda koowaad waa maamulka doorashada, oo uu sheegay in ay tahay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyadu si wadajir ah u maamulaan si loo ilaaliyo nidaamka federaalka. Midda labaadna waa arrinta xisbiyada siyaasadda, isagoo sheegay in aan la hirgelin karin xisbiyo rasmi ah ka hor inta aan la dhameystirin dastuurka iyo sharciyada hagaya nidaamka doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ku eedeeyay xisbiga Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu si weyn ugu dhex milmay hay’adaha dowladda, baarlamaanka, ciidamada iyo qaar ka mid ah Dowlad-Goboleedyada, taas oo uu sheegay inay adkeyneyso in la helo tartan siyaasadeed oo loo siman yahay.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka shaqeeyaan heshiis siyaasadeed oo waara, isagoo ka digay in haddii aan la gaarin is-afgarad, Soomaaliya ay mar kale wajihi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Wuxuu xusay in dalka uusan u baahnayn shirar siyaasadeed oo dheeraad ah, balse uu u baahan yahay heshiisyo dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka dastuuriga ah iyo kuwa doorashooyinka.