Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Jaamac, ayaa hadal kulul ka jeediyay xaaladda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, wasiirka ayaa si toos ah u weeraray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isagoo ku eedeeyay hab maamul oo uusan ku sifeyn karin mid sharci iyo nidaam waafaqsan.
Wasiirka ayaa sheegay in Laftagareen lagu wargeliyay in heshiiska kirada guriga uu ku deganaa uu ku ekaa 19-kii December 2022, islamarkaana wixii ka dambeeyay uu si isfaham ah ku joogay, taas oo uu tilmaamay in aysan jirin wax sharciyad rasmi ah oo sii socota.
Sidoo kale, Cabdiqaadir Jaamac ayaa si adag uga hadlay arrimaha la xiriira siyaasadda guud, isagoo xusay in Koonfur Galbeed aysan noqon doonin meel mar kale lagu “afduubo” Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Koonfur Galbeed goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac,” ayuu yiri wasiirka, isagoo ku baaqay in maamulka Koonfur Galbeed uu u diyaar garoobo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Hadalkan ayaa qeyb ka ah xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa madaxda Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo weli la dareemayo kala aragti duwanaansho ku saabsan maamulka, doorashooyinka, iyo awood qeybsiga.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli siyaasadda Soomaaliya ay wajahayo isbeddello iyo muran ku saabsan hanaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.



