Liverpool ayaa ku qarash gareeysay xagaagan suuqa lacag badan, iyagoo keentay Fabinho, Alisson, Naby Keita iyo Xherdan Shaqiri, sidaas oo ay tahayna waa in ka yar lacag uu qarsh gareeyay Mourinho inta uu joogo Old Trafford.
Klopp ayaana aaminsan in tababaraha Manchester United Jose Mourinho markasta isku dayayo inuu cadaadis saaro kooxdiisa.
“Haa, waa hubaal, waxoogaa, laakiin taasi waa arrin wanaagsan,” Klopp ayaa ku jawaabay markii la weydiiyay hadii Mourinho uu ciyaarayo ciyaar maskaxeed.
“Jose waxa uu ii yahay mid funny ah, waa mid ka mid macalimiinta ugu weyn ee nolosheyda aan la tartamay” ayuu hadalkiisa raaciyay Klopp,
Hadda kadib ma dhaceyso marar badan haddii ay dhacday in Liverpool looga badiyo ciyaaar maskaxeed sababtoo ah wax walba waan ognahay.
“Waxaa jira waxyaabo yar oo hore noo dhaxmaray, xaqiiqdii ma xasuusto waxa aan dhahay waqtigaas, laakiin waan ogahay inaan ka hadlay mar iibkii Pogba.



