Khilaaf xooggan oo ka dhashay magacaabista maamulka degmada Beledxaawo.

Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhashay magacaabis la qorsheynayo oo lagu sameynayo xubno ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo, kaddib markii Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale ay ka horyimaadeen habka magacaabista.

 

Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya in xubno loo qorsheeyay inay ka mid noqdaan maamulka degmada Beledxaawo ay maanta gelinkii hore kulan la yeesheen Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Jubbaland (JISA), Basaam, kaas oo lagu wargeliyay in magacaabistooda la soo saari doono.

 

Hase yeeshee, qorshahan ayaa la sheegay inuu diidmo kala kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, kaas oo ka hor yimid in Guddoomiyaha Gobolka Gedo la siiyo awoodda magacaabista xubnaha maamulka degmada. Arrintan ayaa dib u soo nooleysay muranka ku saabsan cidda awoodda u leh magacaabista iyo xil-ka-qaadista mas’uuliyiinta gobolka.

 

Khilaafkan ayaa soo ifbaxaya xilli dhawaan la magacaabay Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, Caroog, iyadoo habka magacaabistiisa la sheegay in loo maray qaab aan rasmi ahaan loo dhammaystirin, maadaama Madaxweynaha Jubbaland iyo ku-xigeenkiisa ay dalka ka maqnaayeen.

 

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland uusan door muuqda ku lahayn magacaabistii Guddoomiye Caroog, arrintaas oo sii xoojisay su’aalaha la xiriira awood-qaybsiga iyo habraaca magacaabista maamulka degmada.

 

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Oogle, ayaa la sheegay inuu ka horyimid magacaabista xubnaha maamulka Beledxaawo, isagoo taageeray mowqifka Madaxweyne Ku-xigeenka. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, Macallimuu, ayaa isaguna diidmo ka muujiyay magacaabista la qorsheynayo.

 

Awoodda magacaabista iyo xil-ka-qaadista mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe lala xiriirinayay Maxamuud Sayid, oo loo arko inuu saameyn ku leeyahay saamiga siyaasadeed ee gobolka.

 

Is-diiddanahan ayaa bannaanka soo dhigay loollanka siyaasadeed ee ka dhex jira mas’uuliyiinta Jubbaland iyo hoggaanka Gobolka Gedo, iyadoo aan weli si cad loo ogeyn sida lagu xallin doono khilaafka ka dhashay magacaabista maamulka Beledxaawo.