Khilaaf ka taagan Magacaabista Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Khilaaf ayaa ka taagan Magacaabista Guddiga Farsamada iyo doorashooyinka maamulka Galmudug sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Wasiiradda maamulka Galmudug.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Odayaasha dhaqanka Galmudug ay kasoo horjeesteen in aysan talo ku yeelan Magacaabista Guddiga islamarkaana aysan la shaqeyn doonin hadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha kaliyah ay soo Magacowdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku guuldareystay xalinta Cabashada waxgaradka Galmudug oo sheegay in dowladda dhexe ee  Soomaaliya ay soo xuleyso Xildhibaanadii laga rabay in ay soo xulaan.

Waxaa sidoo kale Odayaasha dhaqanka badankood ay ka biya diidan yihiin in saami muuqda la siiyo Ururka Ahlusunna, waxaana ay Codsadeen in la maro Sifo Sharci ah oo Odayaasha dhaqanka ay kusoo xulaan 89 Mudane.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka ka taagan Magacaabista Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.