Madaxweyne Farmaajo oo Khudbadda QM kaga hadlay Muranka Badda

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Shirka Guud ee golaha Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay Muranka badda ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amaanay dowladda Kenya dadaallada ay ku taageertay dadka Soomaaliyeed xilliyadii burburka.

Waxaa uu sidoo kale uga mahaceliyay soo dhaweynta Ganacsatadda Soomaaliyeed ee kunool dalka kenya ee Ammaanka ku heysta.

Farmaajo ayaa caddeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya dhowr jeer wadahadal ay ka galeen Muranka badda uu fashilmay, islamarkaana ugu dambeyntii ay Dacwad geeyeen Maxkamada ICJ, Soomaaliyana ay sugeyso Go’aanka Maxkamadda Bisha November ee soo socota.