Kheyre oo ka hadlay Qaraxyaddii iyo Weerarkii Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii dadkii maanta ku dhintay Qaraxyadii Ururka Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka  ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto Al-Shabaab.