Faah Faahino ayaa ka soo baxaya, khasaare dhimasho & dhaawac ah ka dhashay shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Hargeysa .
Shilkaas ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdicasiis Marshal iyo Khadar Qorshe oo ahaa dhallinyaro saaxiibo ah isla markaana caan ka ahaa Magaalada Hargeysa .
Shilkan ayaa ka dhacay wadada galbeedka uga baxda Hargeysa , ee xaafada Jigjigayar, ka dib markii ay isku dheceen Gaari nooca raaxada ah oo dhalinyarada geeriyootay ay saarnaayeen uu ku dhacay Gaari xamuul ah , iyada oo 2 qof kale ay ku dhaawacmeen.
Dhawaan ayay ahayd markii Liibaan Daahir iyo Mustafe Saleebaan oo ahaa laba muuqaal duube oo caan ka ahaa baraha bulshada ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh.
Shilalka Gadiidka ayaa muddooyinkii danbe ku nsii kordhaya Somaliland, iyada oo shilal badan oo khasaare geystay ay ka dhaceen Somaliland
Sikastaba , Shilalka Gaadiid ee ku soo badanaya Soomalailand ayaa la xiriira wadayaasha Baabuurta oo si xawli ah u kaxeya Gaadiidka



