Kenya oo sii deysay xubin looga shakiyay Al-Shabaab

Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa sii deysay haweenay horay lagu eedeeya in ay ka tirsan Al-Shabaab oo danbi lagu waayay.

Maxkamadaan oo kutaala magaalada Mombaza ayaa muddo waxay raadinaysay cadeymo ku filan haweenaydaan lagu eedeeyay in ay la shaqeyn jirtay Al-Shabaab.

Haweenaydaan ayaa lagu magacaabaa Faatima Axmed waxaana horay u soo xiran ciidanka boliiska la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya.

Ilaha ku eedeeyay in ay ka tirsan Shabaab ayaa waayay cadeymo ku filan oo lagu maxkamadeynkaro Faatima Axmed.

Xabsiga magaalada Mombaza ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo isku jira rag iyo dumar ku waasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Shabaab .