Kenya oo sheegtay inay dishay 15 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in deegaanka Bodhei ee kaynta Boni, ee gudaha dalkaasi ku dishay 15 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab kadib howlgal ay Ciidamadeeda ka fuliyeen halkaas.

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay ku raad joogaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee dhawaan fuliyay weerar lagu dilay lix Ruux oo ka dhacay duleeedka Magaalada lamu.

Sidoo kale Kenya waxaa ay sheegtay inay ka feejigan tahay weerarada Al-Shabaab ayna sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah si looga hortago weerarada ay ka fuliyaan Magaalada lamu iyo degaannada hoostaga.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab waxaa weeraro kala duwan ay ka fuliyeen degaannada Widho, Juhudi, Ukumbi, Marafa, Mashogoni, Githurai, iyo Bobo-Sunkia, kuwaas oo lagu dilay 15 Ruux oo isugu jiray Askar iyo Shacab Guryahooda loogu tegay.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya waxaa Al-Shabaa  ay weeraro la beegsanayeen Ciidamada Kenya ee ku sugan meelo kamid Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo halka mararka qaar Gudaha dalka Kenya ay weerarada ka dhacayeen.