Howlgalka ayaa Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB waxaa ay ka fuliyeen deegaanada kala ah Mubaarak iyo Darasalaam oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in Howlgalka intii u socday lagu dilay 13 isugu jira Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isaggoo xusay in howlgalka lagu burburiyey, qaarna lagu qabtay Gaadiid isugu jira Baabuur & Motooyin oo Al-Shabaab ay adeegsan jireen, Sidoo kalena lagu burburiyey Qaraxyo ay diyaariyeen Al-Shabaab.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka Amisom iyo kuwa dawladda Mareykanka oo gacan wayn ka geystay hawlgalkan, waxaana uu sheegay in Hawlgalkaani uu qeyb ka yahay Halwgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab isla maraakana uu sii socon doono.
Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen inay Ciidamada dowladda iyo kuwa taageerayay ay ka difaacdeen degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.



