Kenya oo ka hadashay weerarkii Nairobi

Weerar qarax ku bilaawday oo ay xigeen risaas toos ah ayaa waxaa galabta orax dhicii lagu qaaday Hotel ku yaalla Bartamaha Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana lasoo warinayaa in rag hubeysan ay ku jiraan dhismaha Hoteelka la weeraray.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa yiri “Laamaha amniga iyo xaaladaha deg degga ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay goobta. Waan maareynay xaaladda, waxaana dad badan kasoo daad gureynay dhismaha. Howlgakana weli waa uu socdaa”

Waxa uu intaas ku daray ““Waxaan ka warhaynaa in weli ay jiri karaan in dambiilayaal hubeysan ay ku dhuumanayaan dhismaha. Ciidamadeena gaarka ah ayaa sida aan sheegay ku guda jira howl-galkan si ay uga nadiifayaan. Waxaan sidoo kale ka xumahay inay jiri karaan dad ku dhaawacmay weerarka, waxaana ku guda jirnaa inaan xaqiijino heerka iyo nooc dhaawacyada”

Weerarkaani ayaa waxaa ka dhashay khasaare aanan weli la xaqiijin karin, waxaana la arkayay gadiid gubanaya iyo dhaawacyo laga soo daad gureynayo afaafka hore ee Hotelka.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa weerarkaani ka badbaaday, waxaana gudaha hotelka kasoo saaray ciidamada ammaanka Kenya.