Saraakiisha difaaca dowlada Kenya ayaa sheegay iney dileen inka badan 21 xubnood oo Alshabaab kadib markii Alshabaab iyo ciidamada Kenya ay dagaalameen gelinkii dambe shalay oo Sabti aheyd.
Saraakiisha dowlada Kenya ayaa qiray in labo kamid ah askartooda ku dhinteen intii dagaalka uu socday ayna jiraan dhaawac shan gaaraya oo soo gaaray ciidamada dowlada Kenya ee kusugan Soomaaliya.
Dagaalka xoogiisa ayaa Sabtidii shalay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha Kenya u hadashay ay sheegeen iney dileen 21 kamid ah Alshabaab.
Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay isku dayeen iney u safraan deegaan ku dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, kadibna ciidamada Alshabaab wadada u galeen.
David Obonyo oo u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in labo kamid ah askartooda ay ku dhinteen dagaalka, halka shantii kale ee dhaawacantay loo qaaday daweyn caafimaad.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa baahiyay in midkamid ah gaadiidka dagaalka Kenya lagu gubay inta dagaalka uu socday, laakiin saraakiisha Kenya kama aysan hadlin arintaasi.
Alshabaab dhankooda guulo ayay ka sheegteen dagaalka ka dhacay duleedka degmada Afmdow ee gobolka Jubbada Hoose.


