Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay iney dhisi doonaan xabsi gaar ah oo lagu xirayo shaqsiyaadka ay qabtaan ciidamada Kenya kana tirsan waxa uu ugu yeeray kooxaha Argagaxisada.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay iney kaga hortagayaaan xabsigaa in kooxaha jihaadiyiinta iney kusii faafiyaan fikradooda gudaha dalka Kenya si loo gaarsiiyo shacabka intiisa kale, sida uu hadalka u sheegay Kenyatta.
Sharciga ka dhanka ah Argagixisada ee dalka Kenya ayaa u ogolaanaya laamaha amaanka iney xabsi dhigaan dadka looga shakiyo iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo kooxaha kale ee amni darada ka geysta dalka Kenya, wuxuu kaloo sharciga u ogolaanayaa in xabsiga ku jiri karaan muddo badan iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.
Dowlada Kenya ayaa dagaal xoogan kula jira ururka Alshabaab oo xiriir la leh Al-qaacida oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya iyo saldhigyada ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
Uhurru Kenyatta ,ayaanan shaacin waqtiga iyo halka laga dhisayo xabsiga sida gaar ah loogu xiro doono shaqsiyaadka looga shakiyo iney Al-shabaab ka tirsan yihin.
Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga inka badan 4,000 oo askari kuwaasi oo qeyb ka ah 22 kun oo askari oo magaca AMISOM kaga howlgalaya dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.


