Kaxda iyo Boondheere oo ku balansan Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa sanadkan Taaba galineysa Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere oo aan goor dhow qadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.

Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulankooda Saddexaad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.

Wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa horey ugu gudbay Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Howlwadaag Waaberi iyo Wadajir waxaana galabta la arki doonaa Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere  midii ugudubta Wareega 3-aad.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.