Karim Benzema ayaa ku eedeeyay Didier Deschamps inuu yahay mid cadaadis kala kulmaya cunsuriyiin ku dhaqan France kadib markii uu ka saaray xulka France ee Euro 2016 ka qeyb galaya.
xiddiga Real Madrid ayaa ku celiyay hadal dhawaan uu sheefay Eric Cantona kadib markii tababaraha France uu ka saaray 23 -kiisa magac ee Koobka Qaramada Yurub laba xiddig oo muhiim ah.
Benzema ayaa u sheegay Marca: “Waxa uu u sujuudaa cadaadiska kaga imaanaya qeybaha cunsurinimo ee dalka France.
Karim Benzema walks past Didier Deschamps at a press conference
Manchester United and French legend Eric Cantona has criticised the decision to omit Benzema
Manchester United iyo Halyeeygii hore ugu soo ciyaaray Faransiiska Cantona ayaa todobaadkii hore sheegay in Deschamps kaga soo tagay Benzema iyo Hatem Ben Arfa – in ay yihiin Tunisia – ama dad kasoo jeeda waqooyiga Africa.
Deschamps ayaa tan iyo markaas diiday inuu ka hadlo arimahaan, laakiin qareenkiisa ayaa sheegay in Cantona talaabo sharci ah la tiigsan doonaan kadib Euro.
Deschamps has also left out Hatem Ben Arfa despite the winger’s fine form for Nice
Benzema ayaa hadalkiisa raaciyay: “Anigu garan maayo haddii go’aankan uu ahaa mid keliya uu gaaray Didier, sababtoo ah waxa uu ku xiran yahay xisbiyo kale
Weeraryahanka Real ayaa la ganaaxay bishiiDecember markii uu ku lug yeeshay dacwad la xiriirta Vido galmo ah oo uu duubay Mathieu Valbuena
Ninka ugu goolasha badan France ayaa wajihi kara shan sano oo xarig ah ka badan , haddii lagu cadeeyo eedeymaha ah inuu ku dhiirri-galiyay Valbuena lacag rakaato ah inuu bixiyo.
Laakiinse waxaa isaga loo loo ogolaa marka hore inuu wajibaadka dalkiisa guto,lakiin Deschamps ayaa ugu dambeyn ka tuuray 23-ka nin ee uu soo xushay.


