Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa isku diyaarinaya inuu lasoo wareego halyeeyga Reds Pepe Reina.
goolhayaha reer Spain, oo 33 jir ah, ayaa hadda u ciyaara kooxda Serie A, Napoli – oo kaalinta labaad ee Serie A ee ku dhameysatay 2015-16.
Reina wuxuu ahaa goolhayihii No1 ee Anfield ku dhowaad toban sano intii u dhaxaysa 2005 iyo 2014, waxaana uu saftay 285 kulan oo Premier League ah.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u wareegay kooxda Bundesliga ee Bayern Munich 2014, halkaasoo uu ka ciyaaray saddex kulan xilli ciyaareedkan oo dhan.
Reina ayaa markaas u dhaqaaqay kooxda Serie A, halkaas oo uu kusugnaa tababarihii hore ee Liverpool Rafael Benitez.
Ka dib markii 37 ka mid ah 38 kulan oo kooxda ka dhisan Naples saftay- Tababaraha Jarmal Kop Klopp waxaa uu isha ku hayaa inuu soo celiyo sida laga soo xigtay Corriere dello Sport.


