QM oo walaac ka muujisay xaaladda Faluuja

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aaminsantahay in kooxda dawladda Islaamka ee ku sugan magaalada Faluuja ee dalka Ciraaq ay dadka rayidka ah ka dhiganayaan gabaad. Ciidamada dawladda Ciraaq ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi dib uga qabsadaan kooxdaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in ragga, dumarka iyo caruurta loo qaaday bartmaha magaalada si ay gabaad ugu nqodaan dagaalamayaasha Daacish.

Xaaladda ay ku suganyihiin illaa iyo 50 kun oo qof oo rayid ah ayaa lagu sheegay mid daran iyadoo aan gargaar la gaarsiin karin.

Ciidamada dawladda Ciraaq oo qaaday weerarro xoogan oo qayb ka ah ololaha billowday usbuuc ka hor, ayaa hadda dib loo soo riixay kadib markii ay la kulmeen weeraro rogaal celis ah.

Ciidamadani oo taageera ka helaya duqeymaha xulufada uu mareykanka hor muudka ka yahay, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii siqayaan magaaladaasi oo gacanta ugu jirtay kooxda Khilaafada Islaamka tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii.

Iyada oo ciidammadu ay ku sii siqayaan Falluja bambooyin badan oo gudaha iyo dibadda magaalada ka dhacay ayaa dilay ugu yaraan labaatan ruux.

Dagaalyahanada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa difaac ka dhiganaya qaraxyo iyo gawaadhi lagu rakibay waxyaabaha qarxa.