kalafadhigii Baarlamaanka Puntland oo furmay

Waxaa maanta magalada Garowe ee gobolka Nugaal ka furmay kalfadhi aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo xaaladda abaaraha islamarkaana lagu ansixinayo guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan la magacaabay.

Kalfadhiga, waxaa furay Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, madaxweyne ku xigeenka puntland  isagoo u jeediyay mudanayaasha khudbad uu diiradda ku saaray amniga iyo abaaraha iyo sameynta ay kuyeesheen bulshada kunool puntland

Furitaan kadib Barlamanka ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxweyne ku-xigeenka arrimo ku aadan abaaraha iyo qaadashada nidaamka 4.5, kaasoo Xildhibaanadu sheegeen in la qaatay iyadoo aan wax latashi ah laga sameeyay shacabka iyo golaha sharci dajinta Puntland.