Alexis SanchezJuventus ayaa tallaabo kale usoo qaaday inay gacanta kusoo dhigto gooldhaliyaha kooxda Arsenal Alexis Sanchez, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Italy.
Kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa isha ku heysa inay keensato bedelkii Alvaro Morata ka dib markii ay Real Madrid dib uga iibsatay 23 sanno jirkaan reer Spain.
Sida laga soo xigtay shabakadda Sky Sports Italia, Sanchez ayaa haatan bartilmaameedka ugu sarreeya u ah Juventus ka dib wacdarihii uu ka dhigay Arsenal. Xiddiga reer Chile ayaa Arsenal uga soo biiray Barcelona xagaagii 2014kii markaasoo ay kula soo wareegtay 31 milyan oo ginni laakiin wacdaro ayuu ka dhigay horyaalka England Premier League.
Xawaarihiisa iyo kartidiisa ayaa Gunners ka caawisay inay kaalinta labaad uga dhammeysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. 27 sanno jirkaan ayaa 13 gool ka dhaliyey horyaalka halka uu afar gool oo kale ka dhaliyey tartamada UEFA Champions League iyo FA Cup.
Sanchez ayaana si wanaagsan u garanaya horyaalka Serie A maadaama uu waqti wanaagsan kusoo qaatay kooxda Udinese ka hor inta uusan ku biirin Barcelona. Wararka ayaana sheegaya inay Juventus kusoo jiidan doonto xaqiiqada ah inay Arsenal ku dhibtooneyso inay koobab waa weyn u tartano tan iyo markii uu yimid Waqooyiga London.
Old Lady ayaana dejisay qorshe ay Arsenal ugala soo wareegeyso xiddigaan iyadoo ku dalbaneysa ku dhowaad 25 milyan oo ginni oo kaash ah iyo ciyaaryahan qeyb ka noqon doona heshiiskaan. Haddii ay dalabkaan iska diido Arsenal markaas La Vecchia Signora ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga dhallinyarada ah ee kooxda Lazio Keita Balde Diao.