Cristiano RonaldoNasiibxumada Cristiano Ronaldo ku heysata tartanka Euro 2016 ayaa halkeedii kasii soconeysa wuxuuna markaan qaaday tallaabo muujineysa heerka ay caradiisu gaarsiisan tahay. Jawaabta Ronaldo uu siiyey weriye isku deyey inuu su’aalo weydiiyo ayaa noqotay inuu haro ama biyo uga dhextuuro makarafoonka.
Weriyaha ayaa isku deyey inuu weydiiyo Ronaldo haddii uu diyaar u yahay kulanka ugu dambeeya Group F ee ay xulkiisu wajahayaan Hungary, xiddiga Real Madrid ayaase si qariib ah uga falceliyey su’aashaas xilli uu xulka intooda kale la lugeynayey xeradooda tababarka ee Lyon.
Ka dib markii ay barbardhac galeen labadoodii kulan ee furitaanka European Championships, Ronaldo uu sidoo kale awoodi waayey inuu xulkiisa ka caawiyo inay ka adkaadaan Austria, isagoo qasaariyey fursado wanaagsan oo ay ku jirto rigooro, kabtan Ronaldo ayaa malaha ku qasban inuu iloobo si uu xulkiisa uga caawiyo inay usoo gudbaan wareega 16ka Euro 2016.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin sababta uu sidaan oo dhan ugu falceiyey 31 sanno jirkaan isla markaana uu uga carooday su’aashaas uu weriyuhu weydiiyey. Hase yeeshee, Ronaldo ayaa sannadihii ugu dambeeyey muran kala dhexeeyey warbaahinta dalkiisa Portugal.
Portugal ayaa haatan ku dhammeysan karta kaalinta koowaad ee Group F haddii ay guul gaarto ciyaarta caawa oo Arbaco ah ka dhici doonta Stade des Lumieres laakiin waa arrin ku xiran natiijada kulanka Austria iyo Iceland. Ronaldo oo careysan ayaana ka hor imaan doona xulka Hungry oo heysta daafac adag, waana sabab kale oo kasii careysiin karta.


