Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa loolan dhax dhigay ciyaartoydiisa marka ay wajahayaan Manchester City tartanka EFL Cup habeenka arbacada, si ay kaga soo kabsadaan guuldaradii 4-0 aheyd ee kasoo gaartay kooxda Chelsea.
natiijada kulankii axadii ayaa ka dhignaa in lix kulan oo isku xigta tartamada oo dhan uu qasaaray Mourinho xili ciyaareedkaan, waxaana shaqaalaha tababarka United ay ku adkaysanayaan in ay kooxda ka bixi doonto xaalada qarawga ah.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaarno si adag, waan ognahay waxaan qasaaro kala kulanaty Premier League. Waa dareen xun wixii dhacay, sidaas darted waa inuu qofkasta tartan galo marka aan wajaheyno Manchester City ayuu yiri Mourinho.


