James Rodriguez oo ka hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid

Kadib markii uu guul ku hogaamiyay xulkiisa Colombia guul 2-1 oo ay ka gaareen Paraguay iskana xaadirayeen wareega sideed dhamaadka Copa America, James Rodriguez ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Real Madrid.

Xidigaan ayaan gool dhaliyay midkalena caawiye ka noqday kulankii ka dhacay Rose Bowl Stadium ee California, wuxuuna intaas kadib u sheegay Tv Colombian ah “Waxaan doonaya inaan awood u yeesho inaan sii joogo koox weyn sida Real Madrid,” .

James oo ka hadlayay xulkii ay la ciyaareen ee Paraguay ayaa yiri ” Si fiican ayeey u ciyaareen laakin anagana waan wanaagsaneyn, waxaan ku ciyaarnay tayo qof walibana wuxuu ciyaaray kulan fiican, waxaan dhaliyay gool laakin wuxuu ka yamid shaqada adag ee aan qabto, waxaan sameeyaa tababar badan weyna dhacdaa marka aad saas u dadaasho inaad goolal dhaliso”. ”

Xulka Los Cafeteros ayaa ku dhameysanaya kulankooda heerka guruubyada kulan ay la ciyaarayaan Costa Rica oo ka dhici doonaa Houston axada.