Jose Mourinho ayaa amaan ugu qubeeyay kabtankiisa Wayne Rooney asagoo ku tilmaamay xidigii ugu fiicnaa England tobankii sano ee la soo dhaafay.
Maclainka cusub ee Manchester United ayaa xiiso ka muujiyay la shaqeynta Wayne Rooney markii ugu horeysay kadib markii uu labo jeer isku dayay inuu ka wado Old Trafford uuna geeyo Chelsea oo ay ugu danbeysay sanadii 2013.
Mourinho ayaa sheegay ineysa muran ka taageneyn booska Rooney ee England isagoo cadeeyay in kabtanka United iyo ingiriiskauu yahay ciyaariyahanka ugu fiican ee wadankiisa sidaasna uu ahaa tan iyo markii u yimid Old Trafford..
The Special One ayaa hadlayay ka hor bilaabshada iibinta tikidhada xaflada Rooney ee August 3 ee ka dhaceyso Old Trafford ee ay ka hortagayaan Everton kulankaasoo noqon doono kan ugu horeeya ee Old Trafford ee isagoo wato Man United.
Mourinho ayaa yiri: “Wayne waa, uuna soo ahaa xidigii ugu fiicnaa ee England tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuuna kulankaana noqon doonaa mid ku fiican in maamuus loogu sameeyo marka la eego badankood”.