Israsaaseyn Caawa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb

Wararka Caawa laga helayo Magaalada Dhuusamareb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Xarunta Inji ay is rasaaseyn ku dhex-martay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo ilaalada hoggaanka Ahlusunna.

Is rasaaseynta ayaa ka dambeysay,kadib markii labada Ciidan ay kala shakiyeen,waxaana la sheegay in israsaaseynta uu ku dhaawacmay hal askari.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xaalada iminka ay tahay mid degan,waxaana xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Caawa ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Israsaaseynta  Caawa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Shan Habeen ka hor Magaalada Dhuusamareeb ay israsaseyn ku dhex-maratay kooxo hubeysan iyo Ilaalada Agaasimaha Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo.