Karim Benzema wuxuu noqday cayaaryahanka 4-aad ee ugu goolasha badan Champion-ka wuxuu dhaliyay 57-gool asigoo dhaafay Ruud van Nistelrooy oo 56-gool tartankan ka dhaliyay.
Tababare Eusebio Di Francesco wax guuldaro ah asigoo garoonkiisa joogo lama kulmin Champion-ka inta uu Roma hogaaminayo 7-guul iyo hal bar baro.
Cengiz Ünder ayaa sedex gool ku lug yeeshay labadii kulan ugu dambeesay Champion-ka labo gool uu dhaliyay iyo mid uu caawiyay wuxuuna hal gool dheer yahay lixdii kulan ee uu horey u cayaaray Champion-ka shaqadii uu qabtay.
Edin Dzeko goolkiisii kowaad 29-baas ama taabasho ayuu soo maray ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigay waana goolka ugu taabashada badnaa tan iyo October 2017 gool uu Lucas Digne Barcelona u dhaliyay cayaar ay Celtic wajaheen oo 29-baas kadib Digne dhaliyay.
Edin Dzeko waa cayaaryahanka 9-aad ee AS Roma 80-gool iyo ka badan u dhaliyo dhamaan tartamada kala duwan.



