Isco oo iska diiday inuu ku biiro Man United

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan fursad u heli doonin inay lasoo saxiixato xiddiga Real Madrid Isco suuqa xagaaga.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay Isco tan iyo markii uu Jose Mourinho bedelay tababare Louis van Gaal bishii May 2016kii.

Kooxda Jose Mourinho ayaa 16 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, inkastoo ay tartan ugu jiraan ku guuleusyiga tartanka FA Cup.

Manchester United ayaa qarka u saaran inay mar kale suuqa kala iibsiga ku qarash gareyso lacag weyn, iyagoo doonaya inay la dagaalamaan kooxaha ugu waa weyn qaarada yurub.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Spain ayaa lagu sheegay in Isco uusan ka mid noqon doonin ciyaartoyda cusub ee ku biireysa Old Trafford marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Sida laga soo xigtay Don Balon, kubadsameeyaha Real Madrid ayaa cadeeyay inuusan qorsheyneynin inuu ka tago caasimada Spain kuna biiro kooxda Manchester United.

Hase yeeshee, xitaa haddii ay dhacdo inuu ka tago Real Madrid waxa uu dhaawaci doonaa Jose Mourinho, maadaama uu doonayo inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.