Isbedel lagu sameeyay waqtiga ay shaqeeyaan shaqaalaha DF

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in shaqaalaha Dowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9-ka Subaxnimo ilaa iyo 3-da Galabnimo.

Dowlada Federaalka iyadoo tixgelineysa muhiimada Bisha Barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaasna ahmiyad gaar ah la siinayo wadajirka qoyska ee xilliga afurka iyo suxuurta ayey Dowladdu u garatay in waqtiga shaqo wax laga bedelo mudada Bisha Ramadaanka.