Is rasaaseyn ka dhacday degaanka Ceel-macaan

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno degaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gelinkii dambe ee maanta ay ka dhacday is rasaaseyn dhexmartay laba dhinac oo hubeysan.

Iska hor imaadkan ayaa wuxuu dhexmaray ciidan hubeysan oo ilaalo ka hayay Kaawo ku taalla degaanka Ceel-macaan iyo ciidan la sheegay inuu watay wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo dekadaha maamulka Hirshabeelle Cusmaan Xaadoole.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in marka hore labada dhinac ay wada murmeen, kadibna halkaasi uu dagaal ka bilowday, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Waxaa la sheegay in israsaaseyntan ay ku dhinteen ilaa Afar qof, halka ay ku dhaawacmeen Shan kale, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan inay taagan tahay xiisad ka dhalatay iska hor imaadkan, masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle weli kama aanay hadlin dhacdadan.