Inter Milan oo durba xidig ka soo qaadaneysa Barcelona

Warbixino badan oo ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in Inter Milan ay si weyn xiiso ugu qabto ciyaariyahanka reer Brazil Rafinha Al Cantara kaas oo ay damacsan tahay iney kusoo qaadato amaah, balse ay xagaaga ku iibsato 17 ilaa 23 Malyan oo Euro.

Gazzetta dello Sport ayaa baahisay in heshiiska la isla meel dhigay balse ay ku xiran tahay sida uu xidiga uga gudbo caafimaadka madama uusan ciyaarin tan iyo April 2017 madama uu dhaawac dhanka jilibka ah qabo.

Sky Sport Italia ayaa fiidnimadaan shaaca ka qaaday in Inter Milan ay weydiisatay dhigeeda Barcelona iney amaah kaga qaadato inta ka dhiman xilli ciyaareedka, balse ay 20 Malyan oo Euro iyo gunno 3 Malyan oo ku xiran qaabkiisa lagu heshiin doono.

Waxaa la rajeynayaa hadii ay jawaab fiican hesho Inter Milan – in Rafinha uu durba usoo duulo talyaaniga si uu caafimaadka ugu maro Inter Milan.

Dhinaca kale Sportitalia Alfredo Pedulla ayaa qiray in lacagaha lagu ibsan doono xidigaan ay noqon karto 17 ilaa 20 Malyan oo Euro.