Indonesia”baddeenu waa in aysan la mid noqon mida Soomaaliya”

Wasiirka Gaashaandhiga  dalka Indonesia Ryamizard Ryacudu ayaa ugu baaqay wadamada ASEAN in ay dardargaliyaan  ilaalada wadajir ah ee looga hortagaayo in burcad badeed la mid ah mida Soomaaliya ay ka dilaacdo xeebaha dalalka Indonesia iyo Filibiin.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay , waxaa jiray dhacdooyin cusub oo ku aadan falal burcad badeenimo oo ka dhacay dalalka Indonesia iyo filibiin.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Indonesia ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka Bariga Dhexe ay qeyb qataan in aysan biyaha wadamadaas la mid noqon badda Soomaaliya.

” Biyaha dalalka , Malaysia , Indonesia  iyo Filibiin waa in aysan la mid noqon biyaha Soomaaliya halkaas oo burcadbadeenimado ku baahsan tahay”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga dalka Indonesia.