Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay duqeyn ka fuliyeen buuraha Al-Madow ee Puntland, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay saraakiil maxalli ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Duqeynta ayaa ka dhacday marinka buuraha Galgala ee silsiladda Al-Madow, waxaana la sheegay in lagu bartilmaameedsaday afar dagaalame oo lagu eedeeyay inay miinooyin ku aasayeen waddooyinka ay isticmaalaan ciidamada ammaanka Puntland.
Sida ay sheegeen saraakiisha la hadlay AFP, laba ka mid ah dagaalyahannada ayaa ku dhaawacmay duqeynta, halka ciidamada gaarka ah ee Puntland ay markii dambe gudaha u galeen goobta, halkaas oo ay ku dileen labadii dagaalame ee dhaawacmay.
Imaaraadka oo duullimaadyo sahamin ah ka sameeyay Puntland
Labada sarkaal ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha Imaaraadka ay Isniintii iyo Talaadadii sameeyeen duullimaadyo sahamin ah, kaddib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qarax miino ku weerareen ciidamada ammaanka Puntland.
Diyaaradaha ayaa la sheegay in laga soo diray garoonka diyaaradaha Boosaaso, oo Imaaraadku ku leeyahay saldhig milatari.
Haddii xogtan ay xaqiijiso, duqeyntan ayaa noqonaysa weerarkii ugu horreeyay ee Imaaraadku ka fuliyo Soomaaliya tan iyo bishii Nofeembar 2025, sida ay werisay AFP.
Puntland oo guluf cusub diyaarinaysa
Saraakiisha ayaa intaas ku daray in maamulka Puntland uu maalmaha soo socda ku dhawaaqi karo guluf cusub oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo muddo sannado ah saldhigyo ku lahaa buuraha Al-Madow.
Inkasta oo joogitaanka kooxda ee Puntland uu ka yar yahay kan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddana buuraha Galgala iyo silsiladda Al-Madow ayaa muddo dheer ahaa goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda, halkaas oo ciidamada ammaanku ay ka wadaan howlgallo militari.
Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda federaalka Soomaaliya
Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka shisheeye ee taageera dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, balse xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xumaaday sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed iyo taageerada Abu Dhabi ay siiso dhinacyo kala duwan oo heer gobol ah.
Arrimaha la isku hayo waxaa ka mid ah xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland, oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii, balse aan haysan aqoonsi caalami ah oo ballaaran.
Duqeynta la sheegay inay ka dhacday buuraha Al-Madow ayaa imanaysa xilli Puntland ay sii waddo dadaallada ay kula dagaallamayso maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo taageerada dhinacyada dibadda ay qayb ka tahay xaaladda amni ee gobolka.



