Hordhaca Kulanka Elclasico Real Madrid Vs Barcelona Miyay Real Mar Kale Aqbali Doonta Guul Daro

habeenkii Arbacadii Ernesto Valverde kooxdiisa ayaa 3-0 ku garaacday kooxda ka socota caasimada Spain ee Los Blancos semi finalka Copa del Rey.

Guul kale oo ay ka gaarto Blaugrana isbuucaan ayaa waxa ay ka dhigi kartaa inay 12 dhibcood ka sar-mari doonan kooxda Santiago Bernabeu horyaalka La Liga, waana mid dili karta rajada horyaalka ee kooxda Real Madrid.

ma jirto kulan ka weyn marka ay ciyaarayaan kooxaha Real Madrid Vs Barcelona waana kulanka ugu weyn caalamka maadaama ay kulankan ay daawadaan dunida

kooxda Barcelona ayaa kulankan imaanaysaa iyadoo doonaysa inay labo jeer oo xariir ah ka badiso kooxda Real Madrid sidoo kalena ay labo jeer oo xariir ah inay guul ku gaaraan garoonka Real Madrid 4 maalmood gudohooda

Hordhaca Kulanka

Kulanka: Real Madrid Vs Barcelona
(Tartanka La Liga)

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Santiago Bernabue

Warbixinta Kulankan

Real Madrid ayaa dhibaato kala kulmi karta daafaca dhexe iyadoo Rafael Varane laga yaabo inuu dhaawac ku seego kulankan maadamaa jug ay soo gaartay habeenkii Arbacada halka Nacho Fernandez uu ganaax ku maqnaanayo.

Barcelona ayaa laga yaabaa inay shaxdeeda ay ku soo bilowdo xiddiga qadka dhexe Arthur kaasoo ku soo bilaaban doona line-upka kooxda reer Brazil kaaso aan la isticmaalin habeenka Arbacada.

Xaqiiqooyinka Kulankan

Barcelona ayaa dhalineysay gool mid kasta oo ka mida 22-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay wajahdo kooxda Real Madrid horyaalka La Liga iyadoo guud ahaan ay dhaliyeen (53-gool) hadii ay maanta dhaliyaan waxa uu noqon doonaa rikoorkoodii ugu dheeraa oo ay El Calsico gool ku dhaliyaan taariikhda .

Real Madrid ayaa sidoo kale dhalineysay gool 22-kulan oo xiriir ah iyadoo rikoorka hore u sameesay xilli-cayaareedkii intii u dhexeysay 1959 ilaa 1969.

Guul daro soo gaartaa kulankan wax ay kaga dhigantahay in Real Madrid ay qasaareyso kulamo xiriir ah oo garoonkeeda ah kulamda horyaalka markii ugu horeysay tan iyo January 2018 waxaa u diwaansan guul darooyin xiriir ah oo garoonkeeda ah halka guud ahaan ay la kulmeen sesex guul daro xili ciyaareedkii 2017-18

Real Madrid ayaan Barcelona guul la’aan ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay La Liga iyada oo guuldaro la kulantay 3 kulan iyo 2 bar-baro waana rikoodhkeedii ugu xumaa ee kulanka El Clasico ee La Liga tan ilaa December 2011 markaaso aysan guul arkin kulamo gaaraya 7

Barcelona ayaa maanta u socota inay gaarto rikoor weyn iyadoo doonaysaa inay noqoto  kooxdii ugu horaysay ee taariikhda horyaalka La Liga 4 kulan oo xiriir ah Real Madrid uga badisa garoonkeeda iyada oo ilaa haatan 4 kulan uga badisay kana dhalisay 10 gool lagana dhaliyay kaliya 2 gool.

Shaxaha Macquulka Ee Labadan Kooxood

Real Madrid: Courtois, Carvajal, Varane, Ramos, Reguilon, Casemiro, Modric, Kroos, Vazquez, Vinicius Jr. Benzema

Barcelona: ter Stegen, Roberto, Pique, Lenglet, Alba, Busquets, Vidal, Rakitic, Dembele, Messi, Suarez