Kadib markii roobab xoogan ay ka da’een 24-kii saac ee la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ee deeganada Puntland, ayaa daadad ka dhashay roobabkaasi waxa ay ku soo rogmadeen deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.
Tuulada Jalam ayaa waxaa ku soo rogmaday daad fara badan oo sababay inay qarsoonto Baraag ku taalay halkaasi, taasi oo sababtay Hooyo uur leh iyo Wiilyar oo ay dhashay inay ku geeriyoodaan.
Hooyada Uurka leh ayaa mooday meesha ay mareysay inay tahay meel Banaan oo biyaha ay fariisteen, maadaama biyaha ay u qariyeen Baraagta, waxaana ay ku dhex dhacday iyada oo gacanta ka haysa ilmaha yar ee ay dhashay Baraagtaasi Biyaha.
Xoghayihii hore ee Degmada Burtinle Xaafid Cabdi risaaq ayaa xaqiijiyay geeridan naxdinta leh ee ka dhacday Tuulada Jalam, waxayna hooyadan uurka leh u socotay sida la sheegay xoolo ay banaanka Magaalada u waday si ay usoo daaqaan.
Dadka Deegaanka ayaa ka soo saaray meydka Hooyada uurka leh iyo cunuga yar Baraagta, waxaana lagu aasay Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal.
Deeganada Puntland waxaa ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo Duunyada ku nool deeganadaasi, balse dadka ayaa hada ku nimceestay raxmada eebe oo deeganadaasi ka da’day.


