Hirshabeelle oo u diyaar garoobeysa Dagaal ka dhan ah Shabaab

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu wado Dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab, si looga saaro degaanada ay gacanta ku hayaan ee Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa sheegay in meelaha ugu dhow ee Shabaab ay gacanta ku hayaan in ay ka mid tahay degaanka Gamboole, dhawaana ay qorsheynayaan in ay ka saaraan, maadaama ay u sameeyeen Maamul.

Sidoo kale Wasiir Caadle ayaa waxa uu sheegay in dhismaha Maamulada heer degmo iyo heer Gobol ee Hirshabeelle ay caqabad ka heysato degaanada qaar ee ay gacanta ugu jiraan Shabaab, balse ay ka saarayaan dhawaan.

“Meesha Shabaab ay hada joogaan oo ugu horeyso waa Gamboole, hadana maamulkiisa ayaan magacownay hadii maamulka la magacaabay waxaan ka leenahay qorshe fiican.” Ayuu yiri Wasiirka.

Degaanka Gamboole ayaa la rumeysan yahay inay xilligan xarun u tahay Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool Jowhar iyo hareerihiisa ay u aadaan arrimo dacwo la xiriira dhul, iyo arrimo kale, halkaasi oo ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab oo dacwadaha qaada.