Arsenal waxaa hesyta dhibaato dhanka maskaxda ah oo ubaahan in la xaliyo , basle xalku ma ahan inuu kooxda ka tagayo macalin Arsene Wenger ayuu yiri Thiery Henry.
Thiery Henry oo kamid ahaa xidigihii waqtiga wanaagsan ku qaatay kooxda Arsenal ayaa qiray dhibaatada dhanka maskaxda ah ee heysata ciyaar yahanada kooxda.
Gunners ayaa 12 dhibcood waxa ay ka dambeeyaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Chelsea , waxa ayna sugayaan ku guuleysiga Premier League tan iyo 2004.
Henry oo Arsenal kula guuleystay 2 jeer horyaalka England ayaa dareemaya inuu jiro cadaadis dhanka taageerayaasha ah kadib guul daradii 3:1 ee kooxda Chelsea.


