Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku jira liiska baaritaanka xubnaha ka qayb galaya Doorashada Madaxweynaha dalka oo lagu baarayo xarunta Xalane ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Wariyaha Risaala ee ku sugan Xerada Xalane ee Doorashada ka qayb galaya ayaa soo sheegaya Baaritaan adag in ay marayaan dhamaan xubnaha ka qeyb galaya Doorashada, kadibna waxaa loo qaadayaa xarunta Doorashada ay ka dhaceyso ee Afasiyooni.
Suxufiyiinta iyo Xildhibaanada ayaa ku jira liis dheer oo istaag ah, halkaasi oo mid kasta lagu baarayo, kadibna loo gudbinaayo basas meesha taagan oo qaadaya dadka, geynayana xarunta Doorashada.
Saacadihii ugu dambeeyay Doorashada Soomaaliya ayaa lagu guda jiraa, waxaana la filayaa in goor dhaw Doorashada si rasmi ah uga bilaabato xarunta loogu talo galay.



