Bayern oo iska xaadirisay Quarter Finalka German Cup

Kooxda Bayern Munich ayaa gaartay QUarter Finalka German Cup , kadib markii ay ka adkaadeen kooxda Wolfsburg.

Douglas Costa ayaa dhaliyay Goolka qura ay marti geliyayaashu ku adkaadeen waxaana uu ahaa laad kusii dhacay xidiga Luiz Gustavo.

Gool hayaha kooxda Bayern ayaa laba jeer fursado halis ahaa ka bad-baadiyay xidiga Deny Yunus Malli daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Tar-tanka German Cup ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana jira kulan udhaxeeya kooxaha Broussia Dortmund iyo Herth Berlin oo caawa is wajahaya.