Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in si weyn ay ugu diyaar garoobeen, Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa maanta oo Arbaco ah.
C/raxmaan Ducaale Beyle Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay si weyn ugu diyaar garoobeen Doorashada Madaxweynaha, wax walba oo Doorashada looga baahan yahayna ay diyaariyeen.
Waxa uu sheegay waxa ugu weyn ee ay diyaariyeen in ay tahay Hoolka ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha oo ku yaalla xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni.
Saacado kadib waxaa Magaalada Muqdisho ka bilaaban doonta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan 22 Musharax.


