Sida iska caadiga ah, marka uu soo dhowaado suuqa kala iibsiga waxaa si aad ah isu qabsada wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga ku qotonta.
Barcelona iyo Adrien Rabiot ayaa ka mid ah mowduucyada ugu hadal heynta badan maalmahan.
Dhowaan waxaa soo if baxday in laacibka reer France iyo Barcelona ay heshiis wada gaareen, iyadoo ay xusid mudantahay in kooxda reer Spain ay arrintaas gaashaanka u daruurtay.
Mundo Deportivo oo kasoo baxda Spain ayaa waxa ay daabacday in bisha January marka la gaaro uu Rabiot noqon doono ciyaaryahan ka tirsan kooxda Barca.
PSG ayaa dan ku qabi doonta in Rabiot ay iska iibiyaan bisha January, maadaama ay ka heli doonaan lacago aan sidaas u badneyn, balse wax la’aan u dhaanta.
Jamaahiirta kooxda ayaa u sheegay 23 jirkan inuu kooxda isaga tago, isla markaasna aysan u baahneyn.



